900 Views

Cali C/llaahi Cosoble “Waa ayaan darro in dalka laga abuuro dagaalo sokeeye”

Cali C/llaahi Cosoble “Waa ayaan darro in dalka laga abuuro dagaalo sokeeye”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa nasaabdarro ku tilmaamay in xilligaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ay ku dagaalamaan Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jubbaland & dhibaatooyinka ka dhashay.

 

Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa sheegay in waxaa ka dhacay Gobolka Gedo ay yihiin dib u dhac,isla markaana xilligaan ay aheyd in wax walba wada hadal lagu dhameeyo balse aan dagaal lagu bedelin.

 

 

 

“Waa ayaan darro weyn in xilligaan dhul soomaaliyeed ay ku dagaalamaan ciidamo lagana abuuro dagaalo sokeeye,marxaladda dalka uu marayo marka loo fiiriyo waa dib u dhac weyn oo dalka ku socdo una baahan in laga hortago ayuu yiri”Cosoble.

 

Waxaa wax laga weeydiiyey cidda qaadeysa Mas’uliyadda khasaaraha gaaraya dadka dushooda lagu dagaalamay,waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tan ugu horeysa leedahay Maamulka Jubbaland dhankiisana ka maqneyn,isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay xal gaaraan.

 

Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maamulka Jubbaland,waxaana dagaalkaas uu sababay in Ciidanka Jubbaland laga saaro fariisimo ay ku sugnaayeen.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment