1254 Views

Shirkii u dhaxeeyay Rooble madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta oo wali socda, Sawiro.

Shirkii  u dhaxeeyay  Rooble madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo xubno ka tirsan  midowga musharaxiinta oo wali socda, Sawiro.
____________________________________________________________________________

April 28-2021

Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo xubno ka tirsan  midowga musharaxiinta ayaa haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka oo bilaawday Afurkii kadib, ayaa ka socda hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulankan oo ahaa martiqaad afur ah oo uu fidiyay Madaxweyne Qoorqoor ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ku diideen mudo kororsiga, isla markaana uu ku raacay Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa qabowday xiisadii dagaal ee ka jirtay magaalada Muqdisho.

Waxaa Muqdisho ka bilowday dadaallo nabadeed oo xal loogu raadinayo khilaafkan gaaray gacan ka hadalka, hase yeeshee waxaa weli difaacyo ku kala jira ciidamada kala taabcsan mucaaradka iyo madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

Qoraal uu kulankan ka baahiyey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan  la leh madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post