384 Views

DF oo gacanta ku dhigtay hub iyo gaari kadib howlgal ka dhacay Sh/ Dhexe

DF oo gacanta ku dhigtay hub iyo gaari kadib howlgal ka dhacay Sh/ Dhexe
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay degaanka Buulo Kuuno oo hoostaga Balcad, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Qoraalka dowladda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu dilay illaa 4 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale nolosha lagu qabtay mid kale.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada howlgalka sameeyey ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo gaari ay wateen xubnaha Al-Shabaab ee lagu weeraray duleedka degmada Balcad, gaar ahaan beero ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Somalia ay isbedel ka sameeyeen howlgallada ay ka wadaan deegaanada isku xira Balcad iyo Afgooye, halkaas oo markii hore fariisimo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan ku lahaayeen Shabaab.

“Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Aragagisadu ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay ugu baado ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaa agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, howlgalladan oo sii xoogeystay todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa saraakiisha uga dhintay dowladda ka mid ahaa taliyihii Booliska Banaadir, Farxaan Qaroole.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post