1089 Views

Maraykanka:-si joogto ah aan u diidanahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

Maraykanka:-si joogto ah aan u diidanahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 21 2020–Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga walaacsan tahay warbixino sheegaya in Turkey ay waddo dadaallo hore leh oo ay ugu weecaneyso iibsashada iyo isticmaalka gantaallada Russia.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Morgan Ortagus ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegtay in Washington ay sii waddo in ay “si joogto ah” u diidan tahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

 

“Waxaan sidoo kale si qoto dheer uga walaacsannahay warbixino sheegaya inay Ankara waddo dadaallo ay hubkaas uga dhigeyso kuwa howl-gala,”ayey tiri Ortagus.

 

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan sida ugu sarreysa u muujinno in howl-galinta habka difaaca gantaallada ee S-400 ay horseedi doonto cunaqabateyn ka dhan ah Turkey, ayada oo la eegayo xeerka CAATSA, islamarkaana ay caqabad ku noqon doonto xiriirka labada dal iyo kan NATO.”

 

Ortagus ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in madaxweyne Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkey ay fahmi doonaan mowqifka Mareykanka.

 

Turkey ayaa marar badan horey ugu cel-celisay inaysan joojin doonin iibsashada iyo adeegsiga habka difaaca gantaallaha ee S-400, islamarkaana ay u madax-banaan tahay go’aan ka gaarista arrimaheeda gudaha.

 

Hase yeeshee Mareykanka iyo NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ayaa ku dooday in howl-galinta barnaamijkaas ay keeni karto in Russia ay hesho sirta NATO, maadaama qalabkaas uu la fal-geli doono qalab NATO ay leedahay.

 

Isha: Reuters & VOA.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment