1614 Views

Guddiyada Kheyraadka Labada Aqal oo ka horyimid shirka London

Guddiyada Kheyraadka Labada Aqal oo ka horyimid shirka London
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 – 7-da Bishaan Febaraayo oo ku beegan Maalinta berito ah ayaa la filayaa in Magalada London lagu qabto shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya,kaas oo looga hadlayo arrimaha Kheyraadka sigaar ah Shidaalka Soomaaliya,hayeeshee shirkaas waxaa kasoo horjeestay Guddiyada Kheyraadka ee Baarlamaanka labada labada Aqal.

Guddoomiyaha guddiga Bay’adda iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo la hadlay Qaranimo Online ayaa waxa uu sheegay in isaga uu shirkaasi ka qeyb galeyn.

Waxa uu sheegay in shirkaasi ka Shaqeyntiisa ay leedahay Wasaaradda Batroolka, isla markaana uu yahay mid ay Wasaaraddu ugu sheegtay in  uu yahay mid lagu beecgeynayo macluumaadkii laga aruuriyay Xeebaha Soomaaliya ee Kheyradka Shidaalka.

Sababaha shirkaasi uu gu baaqsay ayaan wax ka weeydiinay, waxana uu sheegay in isaga uu ka mid ahaa xubnaha lagu casuumay, hayeeshee sababo isaga u gaar ah uu u diiday ka qeyb galka shirkaas.

Isaga oo sii hadayay ayuu sheegay in shidaalka Soomaaliya horay loo sahmiyay shirkana uu yahay mid suuqgeyn ama xayeeysiin ah, hayeeshee qabsoomida shirkaasi uu ahaa mid laga hordhacay oo ay jireen waxyaabo badan oo laga hormarin karay.

Waxaa la weeydiiyay Su’aal aheyd in shirkaasi dad badan ay qabaan in shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo, waxaana uu sheegay in Wasaaradda ay arrimahaas kala hadleen, laakin ay beeniyeen, waxaana uu sheegay in ay ka warsugayaan waxyaabaha kasoo baxa shirkaas.

Dhinaca kale Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare ayaa si cad uga horyimid shirka la filayo in 7-da Bishaan uu ka furmo Magalada London ee Wadanka Ingiriiska, kadib qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddigaas.

Guddoomiyaha guddigu Kheyraadka Aqalka Sare Sanoter  Ilyaas Cali Xasan ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in ilaa laga ansixiyo Shirciga Kheyraadka dalka, sidoo kalena aan la dhisin Shirciga maalgashiga, iyo Sharciga ilaalinta deegaanka uu shirkaasi yahay mid sharcidarro ah.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in daahfurnaan la’aan ay ka jirto  Wasaaradda Batroolka iyo Shirkadaha sahmiyay Shidaalka dalka oo ka faa’iideysan kara aqoonyarida xogta saxda ah ee shidaalka aan heysano.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment