579 Views

dib u dhac uu ku yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo la filayay 27 bishan dhaco

dib u dhac uu ku yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo la filayay 27 bishan dhaco
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo la filayay 27 bishan inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sababta dib u dhaca shirka ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay tahay in Madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni uu codsaday in la siiyo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la filayay in looga hadlo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Dib u dhaca Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku fashilmay qabaahada doorashooyinka, isla markaana uu ku baaqay shir lagu saxaayo jiheynta doorashooyinka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post