999 Views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka hadlay doorashadii Kismaayo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo  ka hadlay doorashadii  Kismaayo.
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, taas oo lagu doortay affar mudane oo aqalka sare ah, isagoo madaxweyen Madoobe sheegay in dalka uu ka baxay hubanti la’aanta qabsoomidda doorashada dalka kadib war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa madaxweynaha.

Qoraalka madaxweynaha Jubbalanbd ayaa sidaan u dhignaa:

“Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo ku soo jiray. Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.,

Hadalkiisa waxaa uu ku daray Axmed Madoobe in tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka” .ayuu madaxweynaha qoraalka xafiiskiisa kasoo baxay ku yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post