1206 Views

Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Qaraxii Maanta Ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Qaraxii Maanta Ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay Al-shabaab la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka  Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ka dhacay Daljirka,isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba  ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

 

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta  ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab,  waxa uu  rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaanka Al-shabaab,waa sida hadalka loo dhigay .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment