1275 Views

Dowladda oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo ku yaalla Galgaduud

Dowladda oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo ku yaalla Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2019–Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan dadka ku dhaqan deegaanka Gadoon, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay la wareegtay Ammaanka degaanka.

 

Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamo boolis ah loo sameyn doono degaanka, sidoo kalena ay ka howlgali doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje taliyaha qeybta 21-aad ayaa sido kale xusay in dowladda Soomaaliya ay Mas’uuliyad iska saari doonto Ammaanka Guud ahaan gobolka Galgaduud oo Ahlusunna dowladdu kala wareegtay.

 

Ugu dambeyntii waxaa uu  balan qaaday in ay ka xorayn doonaan Al-shaabaab qaybaha ay kaga suganyihiin deegaanada Galmudug gaar ahaan gobolka Galgaduud.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment