984 Views

Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed oo Guddoon dooranaya

Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed oo Guddoon dooranaya
____________________________________________________________________________

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha gudiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed & xalinta khilaafaadka inay doortaan Guddoonkooda si Shaqadooda ay u bilaawdaan.
Qaban qaabada kulamada lagu dooranayo Guddoonka Guddiyada doorashada Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed & xalinta khilaafaadka ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, iyada oo ay horay isaga dhex doorteen Guddoomiyeyaal KMG ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in loolanka ugu adag ee doorashada in loo geli doono Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Federaal oo ay ku tartami donaan musharixiin ay kala wataan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka.
Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed & xalinta khilaafaadka ayaa dhawaan tababar ku qaatay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay dhawaan Shaqadooda bilaabaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post