750 Views

Muddaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib Xildhibaankii la Dilay

Muddaharaad rabshado wata oo  ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib Xildhibaankii la Dilay
____________________________________________________________________________

Isniin: September 13, 2021

 Muddaharaad rabshado wata ayaa xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Laascaanood ayaa xalay lagu dilay Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa golaha degaanka degmadaas, kadib markii dabley hubaysan ku weerartay bannaanka hore ee gurigiisa.

Kooxdii weerarka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday,mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, islamarkaana weli mas’uuliiyiinta Somaliland kama hadlin.

Dadweynaha ayaa ka caraysan dilalka xiriirka ah oo muddooyinkii dambe loo gaysanayay hal-doorka Laascaanood, kuwaas oo aan la garanayn cid ka dambaysa.

Dadka qaarkood ayaa Somaliland ku dhaliilaya in aysan wax ka qaban arrintan, halka qaar kalena isla Somaliland ku eedaynayaan dilalka ka socda Laascaanood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post