8499 Views

Wabiga Shabelle oo aad u biyo keenay

Wabiga Shabelle oo aad u biyo keenay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 20, 2016: Wabiga Shabelle ee mara Gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayaa si rasmi ah maanta u biyo keenay, kadib markii uu Wabigu dhowaan uu guray.

Bishaan billowgeedi ayeey aheyd markii Wabiga uu biyo aan badneyn keenay, balse maanta ayaa dadka reer Jowhar arkeen wabiga oo biyo badan keenay, isla markaana gees ka gees biyaha uu wada qooyeen.

Xiintoyda ayaa biyo badan ka soo daadanayay, kadib markii tan iyo bishii hore uu qalalnaa, oo ay noqotay meel dadka ay iska maraan,iskuna sawiraan.

Inta badan dhalinyarada da’adoodu ka yar tahay 40ka sano ayaan arag weligood iyadoo xiintoyda aysan biyo ka soo dhacayn, waxaana maalmihii la soo dhaafay dadku ay u daawasho tagayeen xiintoyda si ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadayeen.

Beeralayda oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ayaa ku farxay wabiga oo biyo keenay waxaana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay soo kordhaan biyaha maadaama la galay xilligii guga.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in biyo badan oo calaw ah ay socdaan, waxaana laga cabsi qabaa hadii biyo badan uu keeno wabiga inuu fatahaad sameeyo..

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Tan iyo markii Wabiga uu guray waxaa biyo la’aan ka dhacday deegaano ku teedsan jiinka wabiga, oo horay wabiga ka biyo cabi jiray, waxaana cuduro ka dhashay biyo wasaqeysan ee ay caruur badan ku dhinteen.

wabi-1wabi-4wabi-6

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment