939 Views

abaalmarino lagu guddoonsiiyay caruur & dhalinyaro Soomaali ah oo lagu qabtay Zwolle- Nederlands [Sawirro]

abaalmarino lagu guddoonsiiyay caruur & dhalinyaro Soomaali ah oo lagu qabtay Zwolle- Nederlands [Sawirro]
____________________________________________________________________________

Axad, 27 June [Qaranimo Online] Guddiga jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda ayaa maanta u qabtay qaar ka mid ah caruurta iyo dhalinyarada Soomaalida ee magaaladaasi ku dhaqan, waxna ka barta dugsiga jaaliyadu ay maamusho xaflad lagu soo gunaanuday waxbarasho muddo sannad ah.

Caruurta Soomaalida ayaa lagu baraa dugsigaasi  casharada iskuulka ee ku adkaada [huiswerkbegeleiding]; Sidoo kalena waxay galabtii ku qaataan barashada qur’aanka kariimka & tarabiyadda islaamka, iyada oo sannad walba marka dugsiga la soo xirayo, loo qabto tartamo lagu abaalmarinayo ardaydii sannad-dugsiyeedkii hore dedaalada dheeriga ah la yimid.

Munaasabadan,  oo ay goob joog ka ahaayeen marti sharaf kala duwan oo ay ku jiraan waalidiinta caruurta, ayaa lagu furay tartamo loo qabtay ardayda dhigata qur’aanka kariimka, waxaana ardaydii kaalimaha hore gashay la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan.

Yuusuf Cawad oo ka mid ah odayaasha magaalada Zwolle, oo  munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca odayaasha magaalada inuu u mahadcelinayo guddiga uu madaxda u yahay Axmed Hayaan, oo noqday dayax 15aad ah oo Soomaalida u soo baxay.

“Runtii, waxaan oran karaa Guddoomiye Axmed Hayaan iyo team-kiisa waxaan ka nahay maqsuud, dedaalka aad ku garab siineysaan ubadka Soomaaliyeed waan idinkaga mahadcelineynaa” Ayuu yiri Yuusuf Cawad.

Shaakir, oo ka mid ah waalidiinta Soomaalida, kuna hadlayay magaca dhalinyarada Zwolle, ayaa hadal uu madasha ka jeediyey wuxuu dhinaciisa sheegay inuu soo dhoweynayo dedaalada guddiga jaaliyada, isaga oo ugu baaqay waalidiinta Soomaalida ee weli aysan gaarin risaalada ubadkooda lagu caawinayo ee degan Zwolle iyo nawaaxigeeda in ay xarunta jaaliyada caruurtooda ku soo xiraan, isaga oo u mahadceliyey guddiga, kuna tilmaamay dad waxtar leh oo isu xilqaamay in ay kor u qaadaan wacyiga bulshadooda.

“Marka dalkan la joogo waxey la mid tahay adiga oo cibaadeysanaya haddii aad caawineyso ubad Soomaaliyeed ee qurbahan ku nool, ee ku barbaaraya dhaqan ka duwan keenii. In ubadkaasi aad la fadhiisato oo aad waqti geliso, iskuulkii ka caawiso, qur’aankii & diintiisii aad barto runtii waxaan oran karaa waa tillaabo aad loogu baahan yahay” Ayuu yiri Guddoomiyaha jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda Axmed Hayaan oo ka warbixinayay dadka guddiga ka tirsan ee har & habeen u taagan in ay dadkooda caawiyaan.

“Maalin walba oo Axad ah xarunta jaaliyada waxaa xaadir ku ah, ugu yaraan 7 qof oo ka kala yimaada Magaalooyin kala duwan, kuna shaqeeya iskaa-wax u qabso [Vrijwillig]; gabar dadkaasi ka mid ah waxay ka timaadaa Zandaam oo inoo jirta wax ku dhow 130 KM, ujeeddada aan ka middeysanahay waa mid qura, taas oo ah; inaan waqti gelino sidii ay usoo bixi lahaayeen jiil cusub oo Soomaali ah, oo haysta dhaqankooda, diintooda, waxna la qeybsan kara, lana jaanqaadi kara dadyowga kale ee dalkan ku nool” Ayuu yiri Axmed Hayaan.

Dadka madasha joogay ee abaalmarinada la guddoonsiiyay waxaa ka mid ahaa Cusmaan Abuukar & Wajaale, waxaanna labadaasi mudane lagu ammaanay sida mar walba ay heeganka ugu yihiin caawinta dadkooda.

Munaasabada ayaa ku soo gabagabowday sidii loogu talogalay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post