207 Views

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa booqday Kahramanmaraş, oo Dhulgariirku Sida ba,an ugu

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa booqday Kahramanmaraş, oo Dhulgariirku Sida ba,an ugu
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa booqday Kahramanmaraş, oo ah magaaladii uu sida weyn ugu dhuftay dhul gariirka Isniintii, madaxweynaha ayaa sheegay in dhimashada hadda ay gaartay 8,574 dhawwacana uu dhaafay 50,000 oo qof.

Erdoğan wuxuu sheegay in muwaadiniinta bannaanka ku hoyanaya in loo diyaariyay hoteelo ku yaalla magaalooyinka Mersin, Antalya iyo Alanya. Wuxuu intaa raaciyay in dowladda bixin doonto wax walba midada ay halkaa ku sugan yihiin.

Madaxeynaha ayaa xusay in dhul gariirku uu burburiyay in ka badan 6,400 oo dhismo, wuxuu sheegay in muddo sanad gudihii ay dowaladdu dib u dhisi doonto dhamaan dhismayaashan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post