231 Views

Shiinaha oo dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.

Shiinaha oo   dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 24, 2022

Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta jasiiradda Taiwan.

Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka ayaa timid iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in toban bilyan oo doolar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo amniga iyo hubka.

Wasaaradda arrimaha gaashaandhigga Taiwan ayaa bogaadisay xeerkan isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga jasiiradda Taiwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post