768 Views

Hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka oo la sheegay in la sumeeyay

Hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka oo la sheegay in la sumeeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-20-2020–Diyaarad sidday siyaasi caan ah oo Ruushka u dhashay ayaa la sheegay in uu miyir doorsoomay ama uu galay xaalad koomo ah kadib markii la sheegay in la sumeeyay xilli diyaaradda ay hawada ku jirtay ayna kasoo baxday Magaalada Siberian ee Omsk ee Jarmalka.

Diyaaradda ayaa si deg deg ah u degtay waxaana la sheegay in la dhigay Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka si xaaladiisa Caafimaad loola tacaalo.

Navalny, oo ah 44 jir siyaasi ah iyo baaraha musuqmaasuqa waxaa uu ka mid ah yahay Shaqsiyaadka dhaleeceynta ugu daran ee madaxweynaha Russia Vladimir Putin.

Navalny ayaa la dhigay qolka daryeelka degdegga ah ee Omsk.

Taageerayaashiisa ayaa rumeysan in shaaha uu cabay lagu sumeeyay iyo in Kremlin ay ka dambeyso xanuunkiisa.

Dhakhaatiirta Ruushka ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo sumowga ah, waxayna Kremlin beenisay mas’uuliyiinta inay isku dayeen inay ka hor istaagaan wareejinta inay dhacdo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post