819 Views

Garsoorka dalka Tunisia oo furay baaritaan la xiriira eedeymo sheegaya in xisbiyada siyaasadeed

Garsoorka dalka Tunisia oo furay baaritaan la xiriira eedeymo sheegaya in xisbiyada siyaasadeed
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Garsoorka dalka Tunisia ayaa furay baaritaan la xiriira eedeymo sheegaya in xisbiyada siyaasadeed ay maalgelin shisheeye heleen ka hor doorashooyinkii qaran ee la qabtay 2019-kii, sida uu xafiiska dacwad oogaha dalkaasi Arbacadii u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Saddexda xisbi ee baaritaanku ku socdo ayaa waxa ay kala yihiin xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda – oo ah xisbiga ugu weyn baarlamaanka, Qalb Tounes iyo dhaqdhaqaaqa Aich Tounsi.

Go’aankan ayaa ymid maalmo ka dib markii madaxweyne Qays Saciid uu kala diray baarlamaanka xilkiina ka eryay raysulwasaarihii dalkaasi, tallabadaasi oo xisbiga Ennahda uu ku tilmaamay inqilaab.

Waaxda dhaqaalaha ee Garsoorka ayaa furtay baaritaanka 14-kii kaasi oo diiradda lagu saarayay “maalgelin shisheeye iyo aqbalidda lacago aan la garanayn halka ay ka yimaadeen intii uu socday ololihii doorashada ee 2019-kii” sida uu sheegay Mohsen Dali oo ah afhayeenka xafiiska dacwad oogaha.

Doorashooyinka baarlamaaniga ayaa dhacay bishii October ee isla sanadkaasi, waxaana ku xigay doorashadii madaxweynaha oo dhacday bishii December ee 2019-kii uuna ku guuleystay madaxweyne Qays.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post