1587 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Dowladda Iyo Shacabka Sacuudiga Uga Tacsiyadeeyay Geerida Amiir Talaal Bin C/Casiis

Madaxweyne Farmaajo Oo Dowladda Iyo Shacabka Sacuudiga Uga Tacsiyadeeyay Geerida Amiir Talaal Bin C/Casiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy  Boqorka Dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi.

Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah.

Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto,samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment