357 Views

Dooni ku degtay Xeebaha Nigeria & dad badan oo ku dhintay

Dooni ku degtay Xeebaha Nigeria & dad badan oo ku dhintay
____________________________________________________________________________

nta la xaqiijiyay ilaa 17 Ruux oo meyd ah ayay Kooxaha gurmadka degdega ah ee dalka Nigeria kasoo saareen dooni kula degtay meel biyo mareen ah oo ku taal magaalada caasimadda  ah ee lagos.

Afar mayd ayaa la helay Sabtidii halka 13 kalena la helay Axaddii.

Doontaan oo loo raray si xad-dhaaf ah ayaa Jimcii la soo dhaafay ka shiraacday Xeebaha Nigeria, waxaana markii ay rogmatay biyaha quusay dad badan oo qaarkood aan dabaal aqoon.

Kooxaha Gurmadka deg dega ayaa weli wada baadi-goobka dad kale oo laga cabsi wabo inay shilkaasi ku waxyeeloobeen.

Shilkan dooni ayaa yimid kadib saddex maalmood gudahood markii dooni kale oo rakaab ah ay ku degtay isla biyahaas, iyadoo la sheegay inay laba qof ku qaraqmeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post