963 Views

Madaxweynaha Ukraine oo daneynaya kulan uu la yeesho Madaxweynaha Ruushka Putin

Madaxweynaha Ukraine oo daneynaya kulan uu la yeesho Madaxweynaha Ruushka  Putin
____________________________________________________________________________


Axad: February 20, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha dalka Raashiya Vladimir Putin si Xal loogu helo xiisadda iyo walaaca sii kordhaya ee laga qabo duulaan lagu qaado dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine ayaa daneynaya in uu ogaado waxa uu doonayo Mr.Putin iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay raadina xal nabadeed.

Gelinka dambe ee maanta madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha dalka Raashiya Mr.Putin.

Rabshadaha bariga Ukraine ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay,waxaana duqeymaha socda ay keeni kara dagaal culus.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post