756 Views

Taliyaha Ciidamada Janeraal Odawaa oo Itoobiya kula kulmay dhiggiisa dalkaas Berhanu jula

Taliyaha Ciidamada  Janeraal Odawaa oo Itoobiya kula kulmay dhiggiisa dalkaas Berhanu jula
____________________________________________________________________________

.

Talaado: August 24, 2021

Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Janeraal Odawaa Yuusuf raage oo howlo Shaqo u jooga dalka Itoobiya ayaa waxaa uu Magalada Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa dalkaas Berhanu jula.

Kulanka labada taliye  ayaa waxaa ay kaga wada hadlaeen iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga sidii loo adkeyn lahaa maadaama Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.

Sida ay baahisay Warbaahinta dawladda  Itoobiya ayaa lagu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay ay tahay sidii Soomaaliya u gaadhi lahayd isku-filaansho dhinaca ciidamada ah.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kajooga Boqolaal Askari oo ku howlgalla Magacaa AMISOM, isla markaana Ciidanka dowladda ka taageera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxaana intooda badan ay ku sugan yihiin degaannada Gobolada Baay & Bakool & Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post