579 Views

Koonfur Afrika oo lagu maxkamadeeyey qof lagu eedeeyey inuu gubay baarlamaanka dalkaasi

Koonfur Afrika oo lagu maxkamadeeyey qof lagu eedeeyey inuu gubay baarlamaanka dalkaasi
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Maxkamad ku taalla magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa maanta kasoo hormuuqdey nin lagu eedeeyey inuu dab qabad siiyey baarlamaanka dalkaasi.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in 49 jirkan, Zandile Christmas Mafe, uu u muuqdey qof jahwareersan. Waxaa uu wajahayaa ruuxani eedo ay kamid yihiin jabin guri, gubid iyo xatooyo.

Waxaa lagu sii heyn doonaa xabsiga muddo toddobaad ah, si ay u suura gasho in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo ruuxani.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Mr Mafe laga qabtey baarlamaanka isagoo wata walxaha qarxa. Qareenkiisa ayaa sheegay ay booliisku ay qabteen qof aan isaga aheyn.

Dabkan oo geystay khasaare baaxad leh, ayaa bilowdey kahor inta aysan qorraxdu soo bixin Axaddii, waxaana markii hore lagu dhawaaqey in la xakameeyey Isniintii, illaa iyo dabeylo xoogan mar kale dabkii dib u kiciyeen. Kooxda dab damiska ayaa sheegay in la xakameeyey.

Ma jiraan wax khasaare nafeed oo laga soo wariyey dabkani. Baarayaashu waxey sheegeen in nidaamka rusheynta biyaha uusan si wanaagsan u shaqeynin, maadaama biyihii la jarey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post