312 Views

Tuhuno Hareeyay In Loo Fududeeyay Kooxda Al-Shabaab Gaarista Villa Rosa

Tuhuno Hareeyay In Loo Fududeeyay Kooxda Al-Shabaab Gaarista Villa Rosa
____________________________________________________________________________

.

Isniin: NOVEMBER 28, 2022

Waxaa shaki iyo su’aalo badan hareeyay weerar in ka badan 10 sacaadood qaatay oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow.

Hoteelka Villa Rose, waxa uu ku yaal xayndaabka sida wayn loo ilaaliyo ee ay ku taal xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka caaggan yihiin inay galaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa ay wataan dadka shacabka ah.

Sidaas oo ay tahayse waxaa muuqata in ragga weerrarka soo qaaday ay ka gudbeen baro koontorool badan oo aad loo ilaaliyo, kaddibna ay hoteelka weerrar ku ekeeyeen.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ugu suuragashay inay u gudbaan halkaas oo ay weerrarka intaasi la eg ka gaystaan.

Dadka amniga ka faallooda waxa ay sheegayaan in maadaama Shabaab uu culays badan ka saaran yahay gobollada dhexe oo uu dagaal ku haysto, ay weerraradan ka dhacaya Muqdisho oo ah ubucda dowladda ay ku muujinayaan inay weli jiraan, isagana khafiifiyaan culayska ay wajahayaan.

Bishii Agoosto 20-keedii ayey aheyd markii ay Al-Shabaab weerrar ku galeen hoteel Xayaat ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dilay in ka badan 20 qof.

29-kii Oktoobar-na laba qarax oo waa wayn ayaa lagu weerraray dhismaha wasaaradda waxbarashada ee ku yaal isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Iyana lagu dilay in ka badan 120 qof, halka dhowr iyo toban qofna illaa iyo haatan la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Weerarka Villa Rosa ayaa kusoo aaday maalin kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka soo laabtay difaacyada hore ee ciidamadda dowladda ee gobolka Sh.Dhexe, iyadoo haatan uu dagaalka ka socdo dhabarka danbe ee madaxtooyada, waxaana hubka la isu adeegsanayo si toos ah looga maqlayaa gudaha madaxtooyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post