705 Views

Galmudug oo hubka ka mamnuucday Dhuusamareeb & Gaalkacyo xilli Musharixiin ku heystaan

Galmudug oo hubka ka mamnuucday Dhuusamareeb & Gaalkacyo xilli Musharixiin ku heystaan
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —Guddiga Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saarey amaro culus oo ku socda hubka iyo gaadiidka dagaal ee lala tagayto magaalooyinka doorashooyinku ka dhacayaan sida Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Go’aano kasoo baxay Gudiga amniga oo ka koobna 8 qodob ayaa laga soo saaray in aan hub lagu dhex heysan karin Magalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, xilli musharixiinta Aqalka sare qaarkood ay hub farabadan heystaan, waxaana Go’aanada kamid ah.

1: In Gudiga amniga Galmudug  uu mamnuucay dhamaan hubka & Gaadiidka dagal ee lagu dhex heysto Galmudug, gar ahan magalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

2: In Shacabka ku nool degaannada Galmudug lagu wargelinayo inay si dhow ula Shaqeyaan laamaha maniga lana soo wadaagaan xogta iyo falalka ka dhanka ah Amniga.

3: laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay  4/8/2021  aan wax hub ah lagu dhex qaadan karin Magalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo hadii aan fasax looga heysan laamaha Amniga Galmudug.

4: in la mamnuucay askari Ama Ciidan hubeysan oo Magaalooyinka hubka ku dhex wadan kara marka laga reebo kuwa loo xilsaaray sugida amniga, gaar ahan Magaalooyinka.

5: In Ciidamada qalabka sida ay ka foojignaadaan inay xabad ku ridaan Gudaha Magalooyinka, iyada oo aan lagu gudaneyn wajibad Shaqo.

6: In laga mamnuucay garoomada Magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo in laga soo dejiyo hub ama Gaadiid dagaal oo an fasax loo heysan.

7:  In aysan jiri karin qof ku dhex heeysan kara Magaalooyinka Galmudug hub, Ciidan ama Agab dagaal qof aan fasax ka heysan Hay’adaha Amniga

8: In Hay’adaha Amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta Awaamiirta kasoo baxday gudiga Amniga Galmudug.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post