927 Views

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga oo Beesha caalamka kala hadlay arimaha Ciidamada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga  oo Beesha caalamka kala hadlay arimaha Ciidamada
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo kaaliyaha Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliy Lisa Filipetto ayaa shir gudoomiyay kulan ku qabsoomay Aaladda fogaan aragga ah (ZOOM , kaasi oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa kaalmada deeq bixiyaasha ay ku taageerayaan Ciidamada Soomaaliya

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safaaradaha Dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya , Waxaana si qota dheer loo gorfeeyay sida lagama maarmaanka ay u tagay Joogteynta taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulanka ku soo bandhigtay Howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post