858 Views

Rooble oo Taliye Xijaar ku Canaantay Ciidamo xalay lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho..

Rooble oo Taliye Xijaar  ku Canaantay Ciidamo xalay lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho..
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saakay inta uusan ka soo bixin  Muqdisho, waxa uu kulan gaar ah la yeshay Taliyaha Ciidamada Booliiska Jeneraal Xijaar.

Kulkankan oo ahaa mid albaabada u xiran yahay ayaa la sheegay in Rooble Xijaar uu kala hadlay Ciidamo ka tirsan Booliiska sida gaar ka  u tababaran ee Haramcad oo  xalay waqti danbe lagu daadiyay Magalada Muqdisho, taasi oo shaki ka abuurtay Safarka Rooble saakay uu ugu bixi lahaa Kenya.

Rooble ayaa xijaar ku amray in Ciidamada lagu daadiyay Wadooyinka Muqdisho laga qaado deg deg, laguna Celiyo Xerooyinkii laga soo saaray.

Sidoo kale Villa Somaliya ayaa isku day ay Doonaysay in ay ku carqaladyso Safarka Rooble ee Kenya waday 48 saac ee la soo dhaafay,

Kulankaan ayaa ka dhacay Garoonka Muqdisho, waxa uuna Raisal Wasaare Rooble Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Milatariga ku amray in aysan soo dhoobin Wadooyinka Muqdisho, Ciidamo ilaa amar ay asaga ka helaan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post