1095 Views

Maamul goboleedka Puntland oo soo saaray Digniin ku aadan taagerayaasha Nabad iyo Nolol ee beenta ka faafiya Puntland

Maamul goboleedka Puntland oo soo saaray Digniin ku aadan taagerayaasha Nabad iyo Nolol ee beenta ka faafiya Puntland
____________________________________________________________________________

..

February 24, /2/ 2021

Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray awaamiir culus oo digniin loogu dirayo dad ay ku edeyeen in ay baraha bulshada ku faafiyaan warar ka dhan ah madaxda maamulkaas.

Puntland ayaa ku tilmaantay dadkaan in ay iskugu jiraan shacab iyo weriyaal, sida uu maamulku sheegana, waxay dadkaas caadeysteen faafinta wararka been abuurka ah iyo falal liddi ku ah amniga.

Puntland waxay ku goodisay in tallaabo adag ay ka qaadi doonto dadka faafiya wararka ay dhibsadeen ee laga faafiyo madaxda maamulka. 

Taliyaha howlgalinta ciidamada amniga gobolka Nugaal Gaashaanle Axmed Guray Yemeni oo warbaahinta  kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay inay hadda ku daba jiraan dad badan oo faafiyey dacaayado ka dhan ah maamulka.

Puntland ayaa waayihii dambe weriyaal ku xirxirtay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, kuwaas oo weli qaarkood xiran muddo bil ka badan.

Sacadihii lasoo dhaafay Puntland ayaa ciidamo badan geysay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaas oo la sheegay in ay ka hortagayaan banaanbax maamulkaas loga soo horjeedo oo abaabulkiisa laga dareemay Boosaaso.

Xigasho

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post