1920 Views

Axmed Macalin Fiqi “Shabaab oo dib u qabsaday degaano Ciidanka AMISOM ka baxeen”

Axmed Macalin Fiqi “Shabaab oo dib u qabsaday degaano Ciidanka AMISOM ka baxeen”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2018 —Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana tirsan guddiga difaaca ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen degaano badan oo ay baneeyeen ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in degaanada ay Shabaab dib ula wareegeen inay ka mid yihiin degaano muhiim ah oo bulshada ku nool diyaar ay u yihiin iney helaan nidaam dowli oo sax ah balse ay dib u helaan nidaamka Shabaab.

Waxa uu Saraakiisha Amisom iyo kuwa dowladda ku eedeeyay ineysan qorshe u sameyn degaanada ay Al-Shabaab kala wareegaan taasi oo keenta sida uu sheegay in Shabaab ay dib u qabsadaan.

Waxa uu tilmaamay in guddigooda ay hayaan xog ku saabsan in degaanada ay Shabaab dib ula wareegaan in ay ku dhinteen askar badan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in qorshe loo keeno degaanada Al-Shabaab ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom kala wareegaan si aysan u dhicin in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment