612 Views

Villa Soomaaliya oo aad uga Carootay Safarka Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jeneral Muhoozi

Villa Soomaaliya oo aad uga Carootay Safarka Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jeneral Muhoozi
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

 Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jeneral Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay. Taasi oo ay muuqato in aysan ka war qabin Safarkaasi Villa Soomaaliya.

Qoraalo ay ku baahiyeen Baraha Bulshada Mas’uuliyiin aad ugu dhaw Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday oo uu ka mid yahay Agaasimaha wasaarada Difaaca Somaliya oo ay isku dhaw yihiin farmaajo, ayaa aad uga carooday Safarka aysan la soco Villa Somaliya oo uu ku yimid Muqdisho Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jeneral Muhoozi Kainerugaba.

Sidoo kale Qoraal uu ku baahiyay Bogiisa ayuu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in Dowladnimada soomaaliya ay ku cayaareen waxa uu ugu yeeray kuwa aan Dowladnimada wax ka ogaan oo uu ula jeeday, Xafiiska Raisal Wasaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post