858 Views

SAWIRO:- Saraakiil loo tababarayo sugida Amniga doorashooyinka

SAWIRO:- Saraakiil loo tababarayo sugida Amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa Maanta tababar looga furay Saraakiil Ciidan oo loo tababarayo sugida Amniga doorashoiyinka.

Saraakiisha oo ka tirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa munaasabadda lagu furayay Tababarka waxaa ka qeyb galay mas’ uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Tababarka ayaa waxaa Saraakiisha lagu barayaa Xaqiijinta Amniga Goobaha Doorashooyinka lagu qabanaayo, waxaana mas’uuliyiinta ka qeyb galay tababarka ay Saraakiisha tababarka qaadaneysa ay fareen inay si wanaagsan  qaataan.

Taliyaha Booliska Saldhiga Booliska Baydhabo Muqtaar Axamed Ibraahim (Dugudow) ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada Booliska ee tababarka loo furay in laga doonayo inay xaqiijiyaan amniga degaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydhabo kana hirtagaan falalka amni darro oo ay geeysanayaan Al-Shabaab.

AfhayeenkaWasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbedd ayaa sheegay in tababarkaan uu muhiim ugu yahay Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ee sugaya Amniga doorashada, isla markaana Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay in si Amni ah ku dhacdo doorashada.

Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo tababarka bixinaayay ayaa sheegay inau joogteyn doonaan tababarka la siinayo Ciidamada Booliska ku sugan Magaalada Baydhabo, si ay u dardar geliyaan howlaha sugida Amniga Guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post