351 Views

Kulan looga hadlay Gurmad ka abaaraha oo ka dhacay Xafiiska R/wasaaraha

Kulan looga hadlay Gurmad ka abaaraha oo ka dhacay Xafiiska R/wasaaraha
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn.

Kulanka ayaa waxaa la isaga dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa faray in howllaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post