993 Views

Tababare Jose Mourinho oo laga ceyriyay Tottenham kadib markii uu la wareegay bishii November 2019-kii

Tababare Jose Mourinho oo laga ceyriyay Tottenham kadib markii uu la wareegay bishii November 2019-kii
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Mourinho oo u dhashay dalka Portugal ayaa kooxda hadda laga cayriyay ee Tottenham kala wareegay Mauricio Pochettino bishii November 2019-kii, wuxuuna kooxda ku hogaamiyay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Waxay haatan kooxda ku jirtaa kaalinta 7aad, iyadoo labo dhibcood ka qaatay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaana laga reebay Europa League bishii Maarso.

Spurs ayaa wajihi doonta Manchester City finalka Carabao Cup 25ka Abriil.

Axadii, Tottenham waxay ka mid ahayd lix naadi oo Premier League ah oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan horyaal cusub oo Yurub ah.

Shaqaalaha tababarka Mourinho ee Joao Sacramento, Nuno Santos, Carlos Lalin iyo Giovanni Cerra ayaa sidoo kale la ceyriyay.

“Jose iyo shaqaalihiisa dhanka tababarka waxay nala joogeen marxaladihii ugu adkaa ee kooxda,” ayuu yiri gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy. Jose waa xirfadle run ah oo muujiyey adkeysi weyn intii lagu jiray marxaladdaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post