207 Views

Cabdikaafi “Markii ugu horreeysay ee aan R/wasaare Xamza khudbadiisa u dhag-raariciyo waxay ahayd markii kooxaha argagixisadu soo weerartay hoteel Dayax….

Cabdikaafi “Markii ugu horreeysay ee aan  R/wasaare Xamza khudbadiisa u dhag-raariciyo waxay ahayd markii  kooxaha argagixisadu soo weerartay hoteel Dayax….
____________________________________________________________________________

Jimco, 30 December: [QARANIMO ONLINE] C/kaafi Cabullaahi, oo ka tirsan hormuudka Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho, ayaa u soo jeediyay RW Xamza Cabdi Barre inuu tillaabo sharci ah ka qaado fadeexadii ku saabsaneyd shaqaalaha dowladdu ay mushaarka siiso, ee aan shaqooyinka soo xaadirin.

“Toddobaad ka hor waxaan daawaday hadal uu jeediyay RW Xamza Cabdi Barre oo soo bandhigay dhowr kun oo shaqaalaha dowladdu in ay mushaaraad qaataan iyaga oo aanan shaqadooda soo xaadirin; RW Xamza inuu mushkiladii ka hadlo xalkeediina ka maago waa nasiib darro” Ayuu yiri C.kaafi C/llaahi, wuxuuna intaasi ku daray in haddii Raysul Wasaare Xamza uu wax tillaabo ah ka qaadi waayo arrintaasi inay wiiqeyso kalsoonidii shacabku ku qabeen.

C/kaafi, wuxuu kaga mahadceliyay maamulka Jaamacadda Accord in ay u sameeyeen ardayda Jaamacadda fagaare lagaga doono arrimaha masiiriga ah, isaga oo xusay  in ay dhegaha & indhaha bulshada ay ceeb ku tahay inta heerka musuqmaasuqa dalka la tuso, haddana aan waxba laga soo qaadin.

“Markii ugu horreeysay ee aan R/wasaare Xamza khudbadiisa u dhag-raariciyo waxay ahayd markii kooxaha argagixisadu soo weerartay hoteel Dayax, hadalkiisii ugu horreeyey ee uu jeediyay qaraxa kaddib wuxuu ku sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeya mushkilad kasta oo dhacda cid ay mas’uuliyadeeda qaadan doonto, oo aan la isaga hari doonin. Qarixii Zoppe markii uu dhacay halkii laga sugayay RW Xamza in uu ku tillaabsado balanqaadkii isla xisaabtanka ee uu ku dhawaaqay qarixii Xayaat, hadalkiisii ugu horreeyay wuxuu noqday; Weerada argagixisadu nama niyad jebin doonaan” Ayuu yiri C/kaafi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post