933 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIArbaco : December 15, 2021—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Djibouti ayaa la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

labada mas’uul ayaa  ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu soo xiray Shirweynaha wadatashiga ee Machadka Heritage.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post