1776 Views

Shariif Sh.Axmed: “Waa in aan waqti ku bixinno qancinta Walaalaha Waqooyiga”.

Shariif Sh.Axmed: “Waa in aan waqti ku bixinno qancinta Walaalaha Waqooyiga”.
____________________________________________________________________________

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay qancinta Gobollada Waqooyi (Somaliland).
Waxa uu soo jeediyay in waqti la geliyo sidii loo heli lahaa xal fure u noqon kara Dolwad ku dhisan Cadaalad, Midnimo & Walaalnimo taas oo dalka ka saari karta duruufaha kala duwan uu wajahayo.
“Maanta oo kale 61 sano ka hor 26kii Juun 1960 waxa ay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin farxadeed, maalin xorriyadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay qeybo ka mid ah Soomaaliya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
“Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib uga fikirno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo bilaabay wadahadalka Dowladda & Somaliland oo kulamo kala duwan oo labada dhinac ah ku yeeshay Ingiriiska, Turkiga, Jamhuuriyadda Jabuuti & Imaaraatka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post