393 Views

Uganda oo lagu wadaa inay dalka oo dhan ku rakibto 2,000 oo goobood oo qadka Wi-Fi ah Free ah internet bilaash ah

Uganda oo lagu wadaa inay dalka oo dhan ku rakibto 2,000 oo goobood oo qadka Wi-Fi ah Free ah internet bilaash ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Uganda ayaa lagu wadaa inay dalka oo dhan ku rakibto 2,000 oo goobood oo qadka Wi-Fi ah.

Mashruucan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu horumariyo khadka internet-ka ee Uganda.

Intarneet-ka waxa isticmaali doona xafisyada dowladu xiliyada shaqada halka dadwaynuhu marka ay dhamaadaan saacadaha shaqada ee iyo maalmaha fasaxa ah.

Dowladda ayaa horey goobo ka tirsan magaalooyinka gobollada iyo caasimadda Kampala,ugu xirtay internet bilaash ah inkastoo dadka dhaliila ay sheegayaan in internet-ka uu yahay mid diciif ah.

Goobaha dheeraadka ah ayaa lagu rakibi doonaa internet meel kasta oo ay ku yaallaan kaabayaasha laf-dhabarka u ah ee dawladda.

Mashruucu waa qayb ka mid ah Barnaamijka dardargelinta dhijitaalka ah ee Uganda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post