1377 Views

Faransiiska iyo Mareykanka oo bilaabay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka

Faransiiska iyo Mareykanka oo bilaabay  sidii loo soo afjari lahaa khilaafka
____________________________________________________________________________


khamiis: September 23, 2021

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa dadaal u galay sidii loo soo afjari lahaa khilaaf soo billowday isbuucii hore iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska difaaca Aukus ee u dhexeeya Mareykanka, UK iyo Australia.

Heshiiska ayaa waxaa ka carooday Faransiiska ka dib markii uu meesha ka baxay heshiis qiimihiisu gaaraya $ 37bn (£ 27bn) si Australia loogu sameeyo gujisyo badda hoosteeda mara.

Paris waxay sheegtay inay ogaatay saacado uun ka hor shaacinta heshiiska.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa hadda soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegayaan in xaaladdu lagu dejiyo wada -tashiyo furan oo dhex mara xulafada.

Joe Biden iyo Emmanuel Macron ayaa taleefanka ku wada hadlayay nus saac Arbacadii. Labada hogaamiye ayaa sidoo kale ku kulmi doona Yurub dhammaadka bisha soo socota.

Carada Faransiiska waxay ahayd mid aad loo dareemay oo wasiirka gaashaandhigga Faransiiska ayaa ku tilmaamay in “dhabarka ay ka toogteen Mareykanka, UK iyo Australia”.

Si kastaba ha ahaatee, safiirka Washington ayaa hadda ku laaban doona booskiisii.

Faransiiska ayaa qaaday tallaabo aan horey loo arag oo ah in uu u yeertay danjireyaashii u fadhiyay waddamada Australia iyo Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay in Faransiiska iyo reer Yurub ay ku lug yeeshaan gobolka Indo-Pacific.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Anthony Blinken iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa la filayaa inay Khamiista maanta yeeshaan kulan laba geesood ah, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post