873 Views

Sirdoonka gabdhaha ah ee dalka UK iyo sida ay u shaqeeyaan

Sirdoonka gabdhaha ah ee dalka UK iyo sida ay u shaqeeyaan
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

Tani waa sheekada Amena tan iyo markii nay codsato boos ka mid ah barnaamijka xagaaga ee GCHQ si ay u noqoto basaas tababaran oo dalka UK ah.

GCHQ waa hay’adda sirdoonka, amniga iyo internet-ka ee dalka Ingiriiska, waxaana hawshoodu tahay in ay dalka nabad gelyo ka dhigaan iyaga oo falanqeynaya, isla markaana khalkhal gelinaya xidhiidhka internetka ee kooxaha khatarta ku ah UK ay yeeshaan.

Dabcan Amena maaha magaceeda saxda ah. Sababo amni awgeed ma ay noo sheegi karto waxa ay tahay. Radio 1 Newsbeat ayaa iyada kula hadlay khadka Zoom, laakiin muuqaalkeedu waa uu qarsoonaa.

Waxa ay noo sheegi kartaa waa in ay ku jirto horraantii labaataneeyadii oo ay tahay jiilkii kowaad ee British Bangladeshi, waxay samaysay dugsigii xagaaga laba sano ka hor waxayna hadda ka shaqeysaa GCHQ.

Raadinta dad kala duwan

Dadka sida Amena oo kale ah waa dadka hay’adda sirdoonku ay rabtay in ay shaqadeeda ku xoojiso.

Waagii hore, hay’adda sirdoonku may lahayn sumcadda ugu wanaagsan ee shaqaaleysiinta dadka laga tirada badan yahay.

Bishii Oktoobar 2020, madaxa ururka ayaa qirtay inay u baahan yihiin shaqaaleysiin badan oo kala duwan si ay “u muujiyaan sawirka dabiiciga ah ee qaranka”.

Sannadkan tirada dumarka is-diiwaangeliyay waxay ku dhowaatay labanlaab halka kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar ay saddex laabmeen marka la barbar dhigo sannadkii 2020.

Amena waxay sheegtay kala duwanaanshaha GCHQ gudaheeda waa muhiim sababtoo ah “marka aad ka timid asal kale, waxaa laga yaabaa inaad leedahay qaab ka duwan asxaabtaada kale oo aad wax u eegto”.

Laakin waxa ay dooratay in aysan u sheegin qoyskeeda waxa ay qabato oo ay ku tilmaantay mid aad u “adag”.

“Dhaqankeyga waxaa muhiim ah in aad waalidkaaga ka farxiso, aad ayayna u adagtahay in aad taas sameyso marka aad ku jirto shaqo aadan u sheegi karin waxa aad qabato.”

“Waxaan ka walwalsanahay inay aad ugu faani doonaan iyaga oo aan cid kale u sheegayn.”

Xataa dhammaan saaxiibada Amena ma garanayaan waxay qabato ee ka shaqayso.

“Markaad GCHQ ka bilaabayso waxaa lagugu digayaa inaad ka taxadarto waxa aad sheegayso ee shaqada ka baxsan, laakiin arrinta ugu murugada badan ayaa ah, runtii dadku ma waydiiyaan shaqada.”

“Waxaan inta badan fadhiistaa wada sheekeysiga, anigoo ka werwera haddii qof i weydiiyo waxa aan sameeyo laakiin badanaa sidaa ma sameeyaan. Dadku aad bay ugu faraxsan yihiin inay naftooda ka hadlaan oo keliya.”

Amena hadda waa kooxaha internetka jabsada ee GCHQ. Waxay la shaqaysaa koox si sharci ah u jabsata argagixisada, carqaladaysa qorshayaasha dembiyada kana ilaalisa UK khataraha soo socda, sida weerarrada dhanka fayraska intenetka ee lacagta lagu dalbado.

“Runtii aad ayay u fiican tahay, shaqada safka hore. Taas oo xiiso leh,” ayay tidhi.

“Mar kasta, waxaan ka qaybgalaa hir waxaanan ks fekeraa mararka qaar, ‘ma rumaysan karo inay ii ogolaanayaan macluumaadkan oo dhan’ in aan ogaado.”

Caharradii aan qaatay waxay ii anfaceen shukaansiga online. Waxay sheegtay in ay badhritaan ku sameyso taariikhaha suurtagalka ah iyada oo adeegsanaysa “farsamooyinka kala duwan” – iyo qalab cilmi-baaris oo qof kastaa isticmaali karo.

“Baadh wax kasta oo qoraallo oo qofku soo baahiyey eeg bogaggooda baraha bulshada, fiiri haddii ay u diiwaan gashan yihiin sida oo kale ogow inay codeeyaan, ama waxaad dib u raadin kartaa sawiradooda. Waxyaabahaas oo dhan waa diyaar, waana wax fudud.”

“Waa wax aan naftayda u sameeyo, waana wax ay tahay in qof walba sameeyo si loo hubiyo inaan badbaadno.”

‘Farxad ayaan ku jiraa hadda’

Maalin kasta marka ay soo gasho dhismaha, Amena waxa ay albaabbada ku soo gashaa saddex kaadh aqoonsi oo kala duwan waxayna u baahan tahay fure sir ah si ay u gasho qalabkeeda. Laakiin inkasta oo ammaanka sarreeyo iyo shaqadan ay ku shaqayso, waxay sheegtay inay runtii dareemaysay “nasasho badan” tan iyo markii ay bilawday.

“Waan akhrin karaa wararka warbaahinta oo waan iska tirtiraa welwel kasta, sababtoo ah waxaan ogahay dadka ka shaqeeya arrimahan, kalsoonina waan ku qabaa.”

Hadda waa wakhti mashquul badan Amena iyo asxaabteeda. Todobaadki hore uun, agaasimaha GCHQ waxa uu sheegay in weerarada internetka ee lacagta lagu kala qaataa ay laban laabmeen sanadkii la soo dhaafay gudaha UK balse waxa ay carabka ku adkeysay in dhammaantood ay ku nool yihiin nolol ka baxsan.

“Waxaa jira fikrad khaldan oo caadi ah oo ah inaad tahay qof shaqadan u go’an, ama noloshaada oo dhan waa inay ku wareegsan tahay shaqada, laakiin waxaan helaa wakhti badan oo fasax ah oo aan la qaato asxaab iyo qoysba.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post