567 Views

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya oo ka sii daraysa, iyadoo ay sii kordhayso hubanta la’aanta dhinaca cuntada.

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya oo  ka sii daraysa, iyadoo ay sii kordhayso hubanta la’aanta dhinaca cuntada.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 02, 2022

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya ayaa ka sii daraysa, iyadoo ay sii kordhayso hubanta la’aanta dhinaca cuntada.

Saameynta ka dhalatay dhibaatooyin is biirsaday oo ay ka mid yihiin ayaxii ku dagay beeraha iyo dhul daaqsimeedka sanadkii 2020 , cudurka COVID19, fatahaado is xig xigay, sicir barar iyo khilaafyada ayaa xaaladda uga sii daray.

Kooxda ka jawaabidda abaaraha ee qaranka ayaa soo weriyay in biyo yari ba’an iyo cunto la’aan ay saameysay dad gaaraya 6.9 milyan oo qof oo Soomaali ah waddanka oo dhan, waxana xoolaha ay saameysay abaarta lagu qiyaasay 9.3 milyan oo neef.

Warrarku waxaa kale oo ay sheegayaan in xoolo ku dhow hal milyan oo neef ay u dhinteen dhibaatooyinka abaarta ay reebtay.

Kooxdu waxaa kale oo ay sheegtay in dad gaaraya 700,000 oo qof ay ka tageen deegannadoodii iyagoo naq iyo biyo raadis ah, qaarkood waxay soo galeen magaalooyinka waaweyn.

Afar xili roobaad oo is xig xigay uma di’in si wanaagsan Soomaaliya dhamaadkii 2020kii iyo bilowgii 2021kii.

Bilihii u dhaxeeyay March iyo June ee sanadkii hore inta badan gobollada koonfurta, bartamaha iyo woqooyi-bari aad ayay u yaraayeen roobabkii guga ee la helay.

Bilihii October illaa December ee sanadkii hore, dayrtu ma di’in inta badan gobollada waddanka. Hadda oo laga sii baxayo xilligii gugana, aad ayay u hooseeyaan roobabka la helay.

Dayrta soo socotana saadaashu ma qurux badna.

Ibrahim Aden

BBC Africa, Mogadishu

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post