723 Views

Maamulka Gaalkacyo oo Bajaajleyda u qabtay muddo ay isku diiwaangeliyaan

Maamulka Gaalkacyo oo Bajaajleyda u qabtay muddo ay isku diiwaangeliyaan
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Taliska Ciidanka Booliska Dagmada ayaa ku amray milkiilayaasha gaadiidka moota bajaajta ee ka shaqeeya Degmada Gaalkacyo inay iska diiwan galiyaan si ugu dhaqsaha badan Taliska Ciidanka Booliiska ee Gaalkacyo

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo Kabtan Cali Xirsi Sahal oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa mudo kooban u qabtay milkilayaasha gaadiidleyda bajaajta inay isku diwaan galiyaan

Mudane Maxamed Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in Milkiikayaasha Bajaajta ay muddo todobaad gudahood isku diiwaan geliyaan oo ay tegaan Saldhigga Booliska Gaalkacyo.

Taliye Cali Xersi Sahal ayaa sheegay in tan looga gol leeyahay xoojinta Nabadgelyada iyo ka warqabka Gaadiidka ka howlgala magaalada oo ay ku jiraan Mooto Bajaajta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post