747 Views

Muslimiinta Tigray-ga oo xiriirka u jaray ururka Islaamka ee Itoobiya

Muslimiinta Tigray-ga oo xiriirka u jaray ururka Islaamka ee Itoobiya
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Golaha sare ee Islaamka ee gobolka Tigray ayaa xiriirka u jaray ururka Islaamka ee Itoobiya. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii hogaamiyayaasha diinta Ortodokska ee Tigray-ga ay ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen Kaniisada Ortodokska ee Itoobiya si ay u dhistaan ​​mid iyaga u gaar ah.

Hogaamiyayaasha Muslimiinta ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen ay sabab u tahay fashilka ku yimid hay’adda Islaamiga ah ee dalkaasi oo ku gacan seyrtay dagaalka ka socday dalkaas tan iyo 2020-ka.

Goluhu wuxuu tusaale u soo qaatay weeraradii lagu qaaday mid ka mid ah goobihiisa barakeysan ee Al Nejashi, kaasoo la duqeeyay laguna dhaawacay dad badan xilligii ay colaadda jirtay.

Masjidka ayaa la rumeysan yahay in la dhisay Qarnigii 7-aad oo ay dhisteen Muslimiintii ugu horreysay ee u haajirtay Afrika xilligii Nabi Maxamed(NNKHA)

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in kooxaha diiniga ah ay calaamad weyn u tahay colaadda ka jirta waddan ay in ka badan 40% dadka ku nool ay u aqoonsan yihiin inay ka tirsan yihiin Ortodokska, halka Muslimiintu ay yihiin qiyaastii 34%.

Kaniisadda Ortodokska waxay leedahay taageerayaasha ugu badan ee Itoobiya waxayna saameyn ballaaran ku leedahay dhinacyada bulshada iyo siyaasadda dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post