810 Views

Ra’isul Wasaare Rooble “ Arrinta badda waa lama taabtaan jawaabta maxkamadda ayaan sugeynaa

Ra’isul Wasaare Rooble “ Arrinta badda waa lama taabtaan jawaabta maxkamadda ayaan sugeynaa
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay la hadlayay ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in socdaalkiisa Kenya aanu la xiriirin arrinta badda oo maalmahaan la hadal hayay.

“Waxaan go’aansaday inaan isku dayo inaan soo celiyo xiriirkii labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ku saleysan dhaqaale, siyaasad iyo amni, halkanna uma imaan inaan wax saxiixo” ayuu Ra’isul Wasaare Rooble ku yiri muuqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya waa lama taabtaan, maantana igama filaneysaan inaan ka hadlo heshiis bad oo maxkamadda cadliga ee ICJ yaal oo dhawaan aan sugeyno inay jawaab ka soo baxdo” ayuu raaciyay Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble wuxuu sheegay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu si cad ugu sheegay mowqifka Soomaaliya ee dacwadda badda, kaas oo ah in la sugo go’aanka maxkamadda ICJ.

Rooble ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa waddanka Kenya, halkaas oo uu wadahadallo la xiriira xiriirka iyo iskaashiga labada dal ku yeeshay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post