918 Views

Xildhibaano jawaab la xiriirta duqeyn Shacab lagu diley ka dalbadey Mareykanka

Xildhibaano jawaab la xiriirta duqeyn Shacab lagu diley ka dalbadey Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 12, 2020 —Maalin ka hor diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga leeyahay mareykanka waxaa ay duqeyn la beegsadeen Gaari nooca Somaalida u taqaano Caasiga,kaas oo mareyey deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana duqeyntaas ku dhintey dad la sheegay inay Shacab ahaayeen.

 

Duqeynta lala beegsadey Gaariga ayaa waxaa ku dhintey 4 Ruux oo Shacab ahaa oo saddex kamid ah la sheegay inay hal qoys kasoo jeedeen,kuwaas oo Caanka ah Goblka Shabeellaha Hoose laguna Magacaabo Reer Xaaji Xayeeysi.

 

 

 

Xildhibaan Mahad Dhoore oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey Mareykanka in uu duqeyntaas ku diley dad rayid ah oo aan waxba galabsan,isla markaana aysan ka fikirin duqeymaha ay fulinayaan.

 

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeynta lala beegsadey Gaari ay wateen dad Shacab ah oo ay ehel ahaayeen,isla markaana halkaasi lagu diley lix Ruux.

 

Dowlaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayuu Xildhibaanka ka dalbadey inay cadeyn u keenaan in dadka ay dileen inay ahaayeen Al-Shabaab,hayeeshee hadii ay yihiin Xildhibaannada Koonfur Galbeed uga hari doonin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment