246 Views

Agaasimaha Hay’dda NISA oo gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedow

Agaasimaha Hay’dda NISA oo gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedow
____________________________________________________________________________

Wafdi uu Hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray Magaalada Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wafdiga Agaasimaha ayaa Magaalada Deelow ee Gobolka Gado waxaa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka. Agaasime Mahad Salaad ayaa lagu wadaa in kulamo la la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka, xilli halkaas ka socda abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Magaalada Doolow ayaa 16 December 2022-ka waxaa gaaray Wasiirkii hore Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyaga oo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirkii hore Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo warbaahinta kula hadlay Degmada Doolow ayaa u jeedka safarkooda waxa uu ku sheegay in ay dhawaan halkaas ka bilaabi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda guud ahaan Gobollada Dalka.

9 December 2022 ayee ahayd markii Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Gedo Bakaal Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ku magac dheer (Bakaal Kooke) ku geeriyooday Degmada Luuq kaddib markii Gaarigiisa loogu xiray Miino.

Safarka Wafdiga uu Hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ee Gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf xooggan uu kadhaxeeyo Maamulka Gobolka iyo Dolwad Gobaleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post