942 Views

Wasiir Goodax Barre oo u jawaabey Ardayda Puntland

Wasiir Goodax Barre oo u jawaabey Ardayda Puntland
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax-barre oo markale ka hadlay khilaafka waxbarasho ee Puntland iyo dowladda federaalka ayaa sidoo kale u jawaabey qaar kamid ah Ardayda deegaannada Puntland oo cabasho muujiyey.

 

Ardaydaas oo dhigta mid kaid ah Iskuulada ugu weyn Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay dalbadeen in aan la siyaasadeyn shahaadadooda,waxaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay galaan Imtixaanka dowladda iskuna kalsoon yihiin.

 

 

 

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

 

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka jawaabayey muuqaal Baraha Bulshada lagu faafiyey oo ay cabasho ku muujinayeen qaar kamid ah ardayda deegaannada Puntland.

 

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca Waxbaarshada ah ee u dhaxeeya Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment