798 Views

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo ka sameeyay Baladweyne.

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo ka sameeyay Baladweyne.
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 27, 2021

Ciidamada Booliiska DG Hir-Shabeelle ayaa howlgallo baaris ah ka sameeyay xaafadaha Magaalada Baladweyne, Gaadiidka & Dadka la socda ayay sidoo kale baarayeen Ciidamadaan oo goobo cusub ka sameystay xarunta Gobolka Hiiraan.

Saraal katirsan howlgalka Hogaaminayay ayaa sheegay in howlgalkaan uu qayb ka yahay diyaargarowga martigelinta Doorashada qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Hir-Shabeelle ayaa Gaadiid iyo hub siisay Ciidamada Booliiska ah ee ku sugan Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Magaaladaas oo martigelineysa Ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan waxa uu Hay’adaha Ammaanka faray in ay waajib gaar ah iska saaraan mas’uuliyadda sugidda nabadgalyada Gobolka gaar ahaan Magaalada Baladweyne oo ah goobta labaad ee lagu dooranayo Xildhibaannada Golaha Shacabka qaybta Hir-Shabeelle.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FEIT) oo qiimeyn Amni & mid goob doorasho ku sameeyay Magaalada Baladweyne ayaa bogaadiyay diyaargarowga ka socda xarunta Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post