708 Views

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay si buuxda meesha uga saartay xayiraaddii ay ku soo rogtay adeegyada internetka

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay si buuxda meesha uga saartay xayiraaddii ay ku soo rogtay adeegyada internetka
____________________________________________________________________________

Khamiis 11 /2/ 2021

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda meesha uga saartay xayiraaddii ay ku soo rogtay adeegyada internet-ka iyo isticmaalka baraha buslahada.

“Waxaan raali gelin ka bixineynaa dhibaatooyinkii ka dhashay xayiraaddaas, laakiin waxay ahayd tallaabo loo qaaday amniga waddankeenna awgiis,” ayuu yidhi Peter Ogwang, oo ah wasiirka isgaarsiinta, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu intaas ku daray: “Aan noqonno dad wax dhisa, yeynaan noqonin dad wax ku burburiya baraha bulshada.”

Xayiraadda ayaa lasoo rogay markii ay soo dhaweyd doorashadii madaxtinnimada ee dalkaas ka dhacday 14-kii bishii January, taasoo uu ku guuleystay madaxweyne Yoweri Museveni, oo xilka qabtay markii lixaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post