876 Views

Azerbaijan oo guul ka sheegatay dagaalka Armenia

Azerbaijan oo guul ka sheegatay dagaalka Armenia
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo sabtidii ah in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah.

Wasaaradda Difaaca Armenia waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay.

Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin.

Azerbaijan ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qasaaraha militari, in kasta oo maamulka ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo Sabtidii ah in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post