651 Views

Sh Max’ed Shaakiroo sheegay in uu wada hadal Diyaar u yahay kuna baaqay in la joojiyo dagaalka

Sh Max’ed Shaakiroo sheegay in uu wada hadal Diyaar u yahay kuna baaqay in la joojiyo dagaalka
____________________________________________________________________________


khamiis: October 21, 2021

Sh Max’ed Shaakir oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Ahlu sunna ee qabsaday dhowaan degmada Guriceel ayaa sheegay iney aqbaleen baaqyada nabadeed ee ka soo yeeraya qeybaha bulshada iyo beesha caalamka, ayna diyaar u yihiin wadahadal.

Shir Jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay degmada Guriceel ayuu Shiikh Max’ed Shaakir ku sheegay ineysan iyagu cidina duulaan ku aheyn marka laga reebo kooxda Al-Shabaab.

“Anagu waxaan nahay kuwii dhigay gogoshii lagu dhisay Galmudug, waxay balantu aheyd inaan wada beegsano Al-shabaab balse nasiib daro taas bedelkeed waxay beegsadeen ahlu sunna” ayuu yiri Shiikh Shaakir.

Ciidamada DF ayuu ugu baaqay ineysan weerar ku soo qaadin degmada Guriceel iyagoo fulinaya dano gaar ah sida uu yiri, ayna xoogooda ku jiheeyaan Al-Shabaab, wuxuuna xusay in shacabka Guriceel aysan mudneyn in la barakiciyo.

“Uma maleynayn in shacabka reer Guriceel loo qixinayo, iyadoo looga aarsanayo maxaad u soo dhoweyseen Ahlu sunna Waljameeca” ayuu yiri Shiikh Shaakir oo ugu baaqay shacabkii ka barakacay degmada Guriceel iney ku soo laabtaan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post