780 Views

Soomaaliga kaliga ah ee ku xirnaa Guantánamo Bay oo la sii deyn doono

Soomaaliga kaliga ah ee ku xirnaa Guantánamo Bay oo la sii deyn doono
____________________________________________________________________________

Talaado: June 14, 202

Nin Soomaali ah oo ku xiran xabsiga Guantánamo Bay, kana mid ah maxaabiista uu Maraykanka ku tilmaamay “kuwo muhiimad gaar ah u leh” ayaa lagu wadaa in halkaa laga sii daayo sida ay shaacisay warbaahinta Maraykanka.

Guuleed Xasan Durraan oo 47 jir ah ayaa go’aankaas lagu wargeliyay isbuucii la soo dhaafay oo ku beegnayd labaatan sano guuradii ka soo wareegtay markii la dhisay xabsigaas ku yaalla jasiiradda Cuba.

Waxa uu noqayaa maxbuuskii dhowr iyo tobnaad ee kamidka ah 39 qof oo lagu hayo Guantánamo, kuwaas oo ay xukuumadda Washington doonayso dal aqbala oo ammaankooda xaqiijiya si waafaqsan rabitaanka xoghayaha gaashaandhigga Lloyd J. Austin III.

Guuleed ayaa sanadkii 2004 lagu qabtay dalka Jabuuti, waxaana uu tan iyo September 2006 ku xirnaa Guantánamo Bay isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Laguma celin karo Soomaaliya, maadaama uu Congress-ka mamnuucay in maxaabiista xabsigaas la geeyo dalkaas, Liibiya, Suuriya iyo Yaman.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka, John F. Kirby oo ay warbaahinta wax ka weydiisay kiiska Guuleed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Maamulkan waxaa ka go’an in la xiro xabsiga Guantánamo Bay, waxbana iskama bedalin go’aankaas,” ayuu u sheegay warbaahinta.

Maamulka Biden ayaa hal maxbuus oo keliya ka sii daayay xabsiga Guantánamo Bay. Waxa uu ahaa nin Morocco u dhashay oo ay hawsha sii deyntiisa soo billaabatay xilligii Obama, hase yeeshee uu hakiyay Trump.

Marka heshiis laga gaaro sii deynta maxbuus ku xiran Guantánamo Bay ayaa waxaa saxiixa ugu dambeeya leh xoghayaha gaashaandhigga, waana in Congress-ka lagu wargeliyo 30 maalmood ka hor.

Guuleed ayaa qaxooti ahaa mar ugu noolaa Sweden, waxaana ay ehelkiisa degan yihiin Canada. Qareenkiisa oo lagu magacaabo Shayana Kadida ayaa sheegay inuu haysto “fursado wanaagsan” oo lagu dejin karo dal saddexaad.

Maxaabiista kale ee la filayo in dhawaan laga sii daayo xabsigaas ayaa waxaa kamid ah Majid Khan oo u dhashay Pakistan, waxna ku bartay Maraykanka. Wuxuu qirtay inuu galay dembiyo ka dhan ah aadanaha, waxaana sanadkii 2012 u bilowday xukun ah 26 sano.

Balse sanadkii tegay ayaa Majid iyo qareennadiisa waxa ay heshiis qarsoodi ah la galeen sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon, kaasoo dhigayay in lagu sii daayo muddo kooban gudaheed oo aan dhaafeyn February 2025.

Diblomaasiyiinta Maraykanka ayaa looga fadhiyaa inay u soo helaan dalkii la geyn lahaa.

Warka ku aaddan in maxaabiis dheeraad ah laga sii deyn doono Guantánamo Bay ayaa soo baxay xilli cudurka Covid-19 uu faro ba’an ku hayo xabsigaas.

Cisbitaalka ay ciidamada badda ee Maraykanka ku leeyihiin xaruntaas ayaa todobaadkii hore hakiyay adeegyada uu bixiyo cudurka safmarka ah awgii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post